Madaxweyne Trump oo ka dagay Riyaad iyo wadahadalo bilowday

May 13(Jowhar) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ka degey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Careebiya, halkaasi oo uu ka bilaabay socdaal uu ku marayo Bariga-dhexe.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo Dhaxal SUgaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa kulan horudhac ah ugu bilowday garoonka King Khaalid oo ku yaala maaalada Riyadh.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mark Robio ayaa sidoo kamid ah wefdiga madaxweyne Trump.

Diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga ayaa hawada kaga hortegey Trump, iyada oo booqashadani ay timi ka dib markii Dhaxal-suge, Maxamed Bin Salmaan uu ballanqaaday in uu ilaa $1 trillion ku maalgashan doono gudaha Mareykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More