Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashanadhigga iyo taliyaha xoogga dalka

May 22 (Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku eegayo xaaladda guud ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa inta ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka sare ee Ciidanka Qaranka, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda wasaaradda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada Qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More