Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Milatariga oo lagu diley Hiiraan

May 17 (Jowhar) Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Milatariga Soomaaliya ahaana taliyihii Guutada 26aad ee qeybta 27aad ee Xoogga dalka Cornel Cabdiraxmaan Xujaale lagu dilay gelinkii dambe ee maanta deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan.

Dilka sarkaalka ayaa la sheegay inuu geystey askari ka tirsanaa Ciidamadiisa,kaasoo la qabtay gacantana lagu hayo.

Lama oga sababta keentay dilka sarkaalkan waxaana hadda socda baaritaano la xiriira sababta keentay in la dilo taliyaha.

Waa sarkaalkii labaad oo ka tirsan taliyaasha ciidamada xoogga dalka oo uu dilo askari ka tirsanaa ciidamadiisa muddo labo bil gudahood ah.

Horaantii bishii hore ee April ayaa lagu dilay Gobolka Sh/Hoose Taliyihii Guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Furey) oo isagana uu diley askari ku dhex jiray ciidamada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More