Warar kasoo kordhay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran
May 05(Jowhar) Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa isna la sheegaya in saacadaha soo socda uu ku soo wajahan yahay caasimadda.
Maadaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan (Laftagareen) ayaa la filayaa in Talaadada uu soo gaaro magaalada.
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa horey ugu sugnaa magaalada, isaga oo ka jawaabaya martiqaadka Dowladda Federaalka ee ku saabsan inuu ka soo qaybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waana markii ugu horreysay oo uu si toos ah uga qaybgelayo.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaan iyagu la xaqiijin inay shirka ka soo qaybgeli doonaan.
Shirkan oo looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka ayaa ah mid ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.