Shirkii Deni iyo Axmed Madoobe oo war-murtiyeee laga soo saaray

Jun 26 (Jowhar)-Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland lagu soo gaba-gabeeyay shir maalmihui lasoo dhaafay u socday madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland, kaasoo looga hadlayay xaaladda uu dalka marayo.

Warmurtiyeed wadajir ah oo ay soosaareen Deni iyo Axmed Madoobe ayey ku sheegeen iney Dastuurkooda gaarka ah ay ku dhaqmayaan inta laga mideynayo dastuurka federalka iyo kan dowlad goboleedyada.

“Inta laga mideynayo dastuurada labada heer, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay ku dhaqmayaan dastuuradooda.” Ayey ku yiraahdeen qoraalkooda.

Sidoo kale, waxaa lagu boorriyay Dowlad Goboleedyada kale inay qabsadaan doorashooyinkooda, ayna magacawdaan guddiyada doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More