Israel oo soo bandhigtay khasaaraha guud ee kasoo gaaray dagaalkii Iran

Jun 27 (Jowhar)-Israel ayaa soo bandhigtay khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkii ay la gashay Iran, kaasoo socday mudo 12 cisho ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu shaaciyay Jaantuska khasaaraha Nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay dagaalka oo saameyn culus ku yeeshay gobolka Bariga Dhexe.

• 29 qof ayaa ku dhintay

• 3345 qof ayaa ku dhaawacmay

• 11070 qof ayaa hoy la’aan noqday

• 41,651 codsi oo lagu dalbanayo magdhow hantiyeed

• 18,861 wicitaan oo lagu codsanayo taageero nafsi ah (psychological support)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More