Madaxweyne Xasan oo u ambabaxay dalka Masar
Jul 06 (Jowhar) Madaxweybe Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw u ambabaxay safar rasmi ah oo uu ku tagayo magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.
Sida macluumaad hoose ay tilmaamayaan, madaxweynaha ayaa halkaas kulamo muhiim ah kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa ee dalkaasi.
Madaxweyne Xasan inta aanu ka dagin Qaahira, waxa uu kusii hakan doonaa dalka Jabuuti ee aan walalaha nahay.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya wefdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin Wasiirro muhiim ah oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad.
Warar kale waxey tilmaamayaan in madaxweynaha uu Masar uga sii gudbi doono dalka Itoobiya oo uu casuumay ra’iisul wasaare Abiye Axmed.