Madaxweynaha Iran oo ku dhaawacmay duqeymihii Israel
Jul 14 (Jowhar) Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa la sheegay in si fudud uu uga dhaawacmay mid ka mid ah weerarradii Israel ay ku qaadday Iran bishii la soo dhaafay.
Warbaahinta dowladda Iran ee Fars, oo si dhow ula xiriirta Ilaalada Kacaanka, ayaa sheegtay in 16-kii Juun, lix bam lagu weeraray goobaha sirta ah ee lagu dhuunto kuna yaalla dhulka hoostiisa ee magaalada Tehran, halkaasoo uu Pezeshkian ka qayb galayay kulan degdeg ah oo ay lahaayeen Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in dhaawac ka gaaray lugta markii uu isaga iyo qaar kale uga baxsadeen xarunta si qarsoodi ah iyadoo la adeegsanayo marin degdeg ah. Warbixinnada haatan la helayo waxay sheegayaan in Iran ay dabagal ku hayso xog sheegaysa in sirdoonka Israa’iil ay ku dhex jireen gudaha dalka.
Warbixinta warbaahinta Fars si madaxbannaan looma xaqiijin karo, sidoo kale Israa’iil wax faallo ah kama aysan bixin warbixintaan.
Hadda waxaa soo baxay in weerarradii dhacay maalintii afraad ee dagaalka lagu bartilmaameedsaday xarun qarsoodi ah oo dhulka hoostiisa ku taalla magaalada Tehran, halkaasoo ay markaas joogeen madaxda ugu sarreysa ee Iran.
Warbixinta wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in weerarrada Israa’iil ay xireen dhammaan lixda marin ee laga galo iyo kuwa laga baxo ee xaruntaas, iyo sidoo kale nidaamka hawada u gudbiya gudaha xarunta.
Korontada xarunta ayaa sidoo kale la jaray – balse Pezeshkian ayaa lagu guuleystay inuu gaaro goob ammaan ah.
Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka waa hay’adda ugu sarreysa ee go’aan ka gaarta arrimaha ammaanka ee Iran marka laga reebo Hoggaamiyaha Sare, Ayatollah Ali Khamenei.