Madaxweynaha Somaliland oo Jabuuti wadhaadalo kula leh Madaxweyne Geelle
May 21(Jowhar) Madaxweynaha mamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta u amba-baxay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay Madaxweyne dowladda Jabuuti Geelle.
Wasiiro ka tirsan mamulka Somaliland iyo taliyaha Sirdoonka ayaa safarkan ku wehlinaya madaxweynaha.
Cirro ayaa dhawaan sheegey in uu xoojinayo xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland oo aan muuqan tan iyo is-afgaradkii Badda ee Somaliland iyo Itoobiya.
Dhinaca kalena, Xukuumadda Jabbuuti ayaa ka hadashay socdaalka madaxweyne Cirro maanta ku tegayo waddankaasi.
Wasiirka Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin safarka madaxweyne Cirro.