Qorshaha safarka Trump uu todobaadka danbe ku tagayo dalalka Khaliijka

May 06 (Jowhar) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu asbuuca danbe booqasho ku tagayo dalalka Khaliijka ee Sucuudiga, Qadar iyo Imaaraadka Midowbay.

Socdaalka Trump oo ah mid kiisii ugu horreeyay oo rasmi ah ayaa ka bilaabanaya Riyaadh, halkaas oo uu kula kulmaya madaxda Boqortooyada Sucuudiga.

Safarka Trump ayaa ah mid la xidhiidha hirgelinta qorshihiisa kor u qaadista dhaqaalaha Maraykanka.

Inta uu gobolka Khaliijka joogo waxaa uu si wayn uga shaqayn doonaa hindisaha nabadda ee Bariga Dhexe oo ay ku jiraan colaadaha Falasdiin iyo xal u helista hubka Nukliyerrka ee Iran.

Socdaalka Trump ee Riyaadh wuxuu muujinayaa muhiimadda uu siinayo xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Sucuudiga, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Kulamada uu la leeyahay madaxda Sucuudiga waxay fursad u yihiin in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan heshiisyada maalgashi iyo ganacsi ee labada dal.

Safarku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Trump ee kor u qaadista dhaqaalaha Mareykanka, iyadoo la filayo in heshiisyo waaweyn oo hub iyo tiknoolajiyad ah la saxiixo.

Trump wuxuu ka shaqayn doonaa sidii loo abuuri lahaa hindise nabadeed oo xal waara loogu heli karo colaadaha Falastiin iyo Israel.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Trump iyo madaxda Khaliijka ay ka wada hadlaan sidii loo xakameyn lahaa saameynta Iran ee gobolka iyo arrimaha la xiriira hubka nukliyeerka.
Socdaalku waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo doorka Mareykanka ee Bariga Dhexe, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada iyo xasilinta gobolka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More