Ra’iisul wasaare Xamze iyo Safiirka Sucuudiga oo wadahadal ku yeeshay magaalada Muqdisho

May 22(Jowhar)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga ay mar walba siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha gargaarka, amniga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa carrabka ku adkeeyey in Boqortooyada Sacuudigu ay door weyn ka qaadan horumarinta kaabayaasha muhiimka ah, iyo in kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyo dalka, si dadka Soomaaliyeed u gaaraan horumar wax ku ool ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More