Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay magaalada Muqdisho
May 06(Jowhar) Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa galabta ka furmay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha SSC Khaatumo Firdhiye ayaa shirka maanta fadhiyo, taasoo ku cusub Golaha.
Ajandaha shirka ayaa lagu sheegay “dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidii midnimo qaran loogu wajihihii lahaa”.
Shirkan oo uu qabsoomiddiisa horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii hore ee April ayaa shalay dib u dhacay markii labaad, iyadoo shalay sababta baaqashadiisa aan la sheegin.