Trump iyo Salman oo kala saxiixday Heshiis hubka ah oo gaaraya $142 Bilyan
May 13 (Jowhar)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu ka qaadi doono cunaqabataynta muddada dheer saarnayd Suuriya, iyadoo Boqortooyada Sucuudigana ay ballan-qaaday 600 oo bilyan oo doollarka Maraykanka ah inay ku maal-gelineyso Maraykanka.
Sidoo kale, Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah oo dhan $142bilyan oo doolar.
Ku dhawaaqida ah in cunaqabataynta lagu soo rogay dalka Suuriya la qaadayo ayaa waxa ay noqon doontaa mid si wayn uu uga faa’ideysto wadan in ka badan toban sano oo dagaal sokeeye ah ay ka dhacayeen.
Fallaagada uu hogaamiyo madaxweynaha hadda talada haya Axmed Al-Sharaa ayaa xukunka ka tuuray madaxweyne Bashaar Al-asad bishii December ee lasoo dhaafay.
Isagoo ka hadlayay magaalada Riyadh, ayuu Trump sheegay inuu ka aqbalay dhaxalsugaha Sacuudi Carabiya codsi ah in cunaqabataynta laga qaado dalka Siiriya.
Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Suuriya ay tahay dowlad taageerta argigixisada sanadkii 1979-kii, cunaqabateynna waxaa la saaray Siiriya sanadkii 2004-tii, waxaana lagu soo rogay cunaqabateyn dheeraad ah kadib markii uu dagaalka sokeeye qarxay 2011-kii.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya Asaad al-Shibani ayaa ku daabacay bartiisa X in tillaabadan la qaaday ay astaan u tahay bilaw cusub ee dariiqa dib u dhiska ee Suuriya.
Waxaa lagu wadaa in Trump uu si kooban ula kulmo maalinta beri ee Arbacada ah hogaamiyaha Siiriya Sharaa oo ku sugan Sacuudiga Arbacada, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.
Trump iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa kala saxiixday heshiis khuseeya tamarta, difaaca, macdanta iyo dhinacyo kale. Trump ayaa damcay inuu xoojiyo xiriirka Sacuudiga si loo wanaajiyo xiriirka gobolka uu la leeyahay Israa’iil oo uu u noqdo gaashaan ka dhan ah Iran.
Heshiisku waxa uu khuseeyaa in ka badan toban shirkadood oo difaaca Maraykanka ah oo ay ka mid yihiin difaaca hawada iyo gantaalaha, ciidamada cirka iyo horumarinta hawada, amniga badda iyo isgaarsiinta, ayaa lagu yiri xaashida xaqiiqda.
Amiirka Sacuudiga ayaa sheegay in heshiiska ay ku jiraan fursado maalgashi oo ku kacaya 600 bilyan oo dollar, oo ay ku jiraan heshiisyo ku kacaya 300 bilyan oo doolar.
“Waxaan ka shaqeyn doonaa bilaha soo socda wajiga labaad si aan u dhameystirno heshiisyada oo aan gaarsiinno $1 trillion,” ayuu yiri Amiirka Sacuudi Carabiya. Sacuudi Carabiya waa mid ka mid ah macaamiisha ugu weyn ee hubka Mareykanka.
“Runtii waxaan aaminsanahay inaan aad isu jecelnahay,” ayuu Trump ku yiri mar uu la kulmayay dhaxal sugaha, hogaamiyaha dhabta ah ee Sacuudiga.
Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa ka wada hadlay suurtagalnimada in Riyadh ay ka soo iibsato diyaaradaha Lockheed F-35, sida ay ilo muhiim ah u sheegeen wakaalada wararka Reuters, Ilaa hadda ma cadda in diyaaradahaas ay ku jireen heshiiska lagu dhawaaqay Talaadadii.
Trump oo ay wehelinayeen hogaamiyeyaal ganacsi oo Maraykan ah oo uu ka mid yahay bilyaneer Elon Musk ayaa ka dhoofi doona magaalada Riyadh ee dalka Qatar Arbacada iyagoo booqan doona dalalka Qadar iyo Imaaraadka Carabta.
Lama qorsheynin booqasho uu ku tago Trump Israa’iil, go’aankaas oo keenay in la is weydiiyo halka saaxiibka dhow uu ka taagan yahay muhiimadaha Washington, waxaana diiradda safarka uu ku saabsan yahay maalgashiga halkii uu ka ahaan lahaa arrimaha ammaanka ee Bariga Dhexe.
Trump ayaa ku jira lugtii ugu horeysay ee booqasho diblomaasiyadeed oo afar maalmood ah oo uu ku tagayo Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka.
Xigasho:Reuters
Mohamed Aseir