UK oo hakisay wadahadalladi ganacsi xorta ahaa ee ay la lahayd israaiil
May 21(Jowhar) Cadaadiska Israa’iil uga imaanaya dalalka reer Galbeedka ayaa sii kordhaya, kaddib markii muddo ku dhow saddex bilood ay xayiraad adag ku haysay sahaydii gargaar ee loo diri lahaa Gaza, taas oo sababtay digniino la xiriira macaluul baahsan. Xitaa Mareykanka, oo ah saaxiibka dhow ee Israa’iil ayaa muujiyay walaac ku saabsan xaaladda gaajada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, David Lammy, ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in Britain sii wadato wadahadallo ku saabsan heshiiska ganacsi iyadoo dowladda Israa’iil ay wado siyaasad uu ku tilmaamay mid aad u xun oo ka socota Gaza iyo Daanta Galbeed ee ay Israa’iil heysato.
Ka dib in ka badan muddo sanad iyo bar ah oo uu socday dagaalka Qasa, Ingiriiska ayaa u muuqda in ugu dambeyntii uu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Israa’iil.
Raysal wasaaraha Ingiriiska, Sir Keir Starmer iyo David Sir Keir, oo la hadlayay xildhibaanada dalkaas, ayaa labadooduba u hadalladooda ka muuqday xanaaq.
Raysal wasaare Keir Starmer ayaa sheegay, in heerka dhibaatada ka jirta Qasa gaar ahaan carruurta ay tahay “wax aan loo dulqaadan Karin”.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay go#aanka Israa’iil ee ah in ay ogolaato in yar oo gargaar ah gudaha Qasa, taas oo uu sheegay inaysan “gebi ahaanba ku filneyn”.
Ingiriiska ayaa ku biiray waddamada Faraansiiska iyo Canada, kuwaas oo wadajir u saxiixay bayaan xooggan oo lagu cambaareynayo tallaabada ay Israa’iil ku ballaarisay milatarigeeda.