Farmaajo oo ka digay qorshaha madaxweyne Xasan uu madashii qaran xisbi gaar ah ugu bedelayo
May 07 (Jowhar)Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo qoraal culus soo saaray ayaa ka hor-yimid qorshaha madaxweyne Xasan uu ku doonayo inuu Madashii Wadatashiga Qaran u bedelo xisbi isaga u gaar ah.
Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in talaabadan ay khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida dalka, waxayna dib u dhigaysaa dowlad-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale ka digay qorshaha madaxweynaha uu ku doonayo inuu ku qabsado doorasho hal dhinac ah, wuxuuna madaxda dowlad goboleedyada la shirsan ka dalbaday ineysan aqbalin damaciisa.
Halkan hoose ka akhriso qoraalka Farmaajo:
Burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qorshaha xukun-maroorsiga ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Madasha u beddelo xisbi isaga u gaar ah waxay khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida dalka, waxayna dib u dhigaysaa dowlad-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya guddi doorasho oo aan haysan wax sharciyad ah, loona marin dhismihiisa habraacyadii dastuurka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu ahaa, taas oo caddeyn u ah in Madaxda dowladdu rabaan oo kaliya qabashada doorasho hal dhinac ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ugu yeeraynaa in muddada kooban ee ka hartay muddo xileedkiisa dastuuriga ah aanu dalka gelin xaalad halis ah oo dhaawacaysa dowladnimada iyo wadajirka, mudnaantana siiyo shaqada qaran ee laga sugayey ee ka hortagga khatarta argagixisada, raadinta dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha iyo qabashada gogosha uu ballanqaaday ee Wadatashiga Qaran.
Ugu danbayn, waxaan madaxda Dowlad Goboleedyada hadda qeybta ka ah shirarka Villa Soomaaliya, ee Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ugu baaqaynaa inay garowsadaan in waajib ka saaran yahay maslaxadda guud ee dalka iyo hannaan siyaasaddeed oo loo dhan yahay, ayna ka fiirsadaan ka mid noqoshada hanaan siyaasadeed iyo xisbiyo aan ku dhisneyn shuruuc la isla ogol yahay, taas oo dalka u horseedi karta kala tag siyaasadeed.