Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed oo laga daahfuray magaalada Muqdisho
Jun 21 (Jowhar)-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu daahfurayay Suuqii ugu horeeyay ee ah Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa munaasabadan ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxda iyo Masuuliinta Suuqa Saamiyada, Guddoomiyaha Rugta ganacstada Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabayre, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha XFS. Mohamed C/lahi Faarah, Xildhibaano ka tirsan dawladda Fadeeraalka Soomaaliya, Agaasimaha SOMINVEST Mohamed Dubo, shirkadaha isgaarsiinta dalka, iyo Midowga Bangiyada Soomaaliya.
Sidookale waxaa munaasibadda Furitaanka ka soo qaybgalay Maamulaha suuqada Saamiyada Ruwaanda, ahna 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐮𝐪𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 Pierre Celestin RWABUKUMBA, Maamulaha suuqa saamiyada Nayroobi Frank Mwiti iyo martikale.
Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Yasin Maxamuud Cibaar oo ka hadlay munaasabadan ayaa waxa uu tilmaamay muhiimadda uu suuqani u leeyahay waddankeenna Soomaaliya.
Suuqan Saamiyada waxa uu ganacsatada u abuurayaa helitaanka ra’sul maal weyn si ay isu ballaariyaan, shacabka Soomaaliyeedna fursad ugu helaan inay maalgashadaan oo ay saami furan ku yeeshaan shirkadaha dalka & kuwa caalamiga ahba, meel kasta oo ay joogaan. Sidookale suuqani Wuxuu fursad siinayaa Shirkadaha Caalamiga ah oo iska diwaangelin doona Suuqan si ay u helaan saamilay Soomaaliyeed.
Arrintani waxay ka dhigan tahay hannaan rasmi ah oo dhiirigelinaya maalgelinta, horumarinta bulshada, iyo koboc dhaqaale oo waara. Hadda, fursaddu waa caddahay maadaamaa la furay Suuqa Saamiyada: Waana wakhtigii ay Soomaaliya si dhab ah qeyb uga noqon lahayd isbedelka iyo horumarka ka socda Gobolka Geeska Afrika.