Jubaland oo sheegtay ineysan quseynin qodobadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran

May 08(Jowhar) Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar,ayaa ka hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay War-murtiyeedka laga soo saaray.

Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa tilmaamay in maamulkooda uusan waxba ka quseynin shirkaasi, wuxuuna tilmaamay ineysan waxba ka bedeli doonin xaaladda maamulkooda.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa habeenkii xalay ku baaqay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ay soo saarto talo sharci ah oo lagu wajaho xaaladda Jubbaland, si loo helo dowlad-goboleed leh sharciyad buuxda.

Jubaland iyo Puntland ayaa shirka ka maqnaa, iyadoo markii u horeysay lagu soo daray maamulka SSC Khaatumo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More