Laftagareen oo ka dhoofay Muqdisho kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii Madaxweyne Xasan

May 08(Jowhar)Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-fareen ayaa goordhow ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, tani waxey ka danbeysay markii uu fashilmay wadahadaladii uu la lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lafta-gareen waxa uu shardi uga dhigay si uu xisbiga madaxweyne Xasan hoggaamiyo ugu biiro in la siiyo Laba xil mid oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga ama Xoghayaha Xisbiga.

Labadan xil waxa uu madaxweyne Xasan la doonayaa Xamze Cabdi Barre iyo Cabdi raxmaan Odowaa.

Shirarkio u danbeeyay ee xalay waxaa la iskula qaatay in Senator hore Xuseen Sheekh Maxamuud oo Koofur Galbeed kasoo jeeda la siiyo xilka Xoghayaha Xisbiga oo Odowaa looga qaado, balae Lafta-gareen ayaa diiday inuu Xuseen metelo, wuxuuna miiska soo saaray shaqsi uu isaga xilkaasi la rabo.

Dood adag oo soo gaartay ilaa saaka ayaa la iskula fahmi waaye, taasoo keentay inuu Lafta-gareen ka tago magaalada Muqdisho.

Shirkii Xisbiga lagu shaacinayay oo shalay loo balansanaa ayaa u baaqday tabashada Koofur Galbeed, Sabtida ayaa la filayaa inuu qabsoomo hadii xal laga gaaro buuqan soo kordhay.

Macluumaadka kale waxey tilmaamayaan in Xildhibaan Odowaa loo qoondeeyay in la siiyo gudoomiye kuxigeenka Xisbiga iyo xil wasiir oo la doonayo in Afar wasaaradood lasoo kordhiyo oo beeshiisa xukuumada ay ku yeelaneyso laba Wasiir oo Buuxa, waxaana macluumaadka intaasi kusoo darayaan in Al-Cadaala iyo Abshir Bukhaari xilalkooda laga qaadayo.

Xaaladda siyaasadeed ayaa kacsan, waxaana muuqata in madaxweyne Xasan ay  ku adkaatay xal u helista Lafta-gareen, xili ay hore u maqnaayeen Puntland iyo Jubaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More