Putin iyo Zelensky oo Khamiista ku kulmay Istanbul
May 11(Jowhar)-Madaxweynayaasha dalalka Ruushka Vlaadimir Putin iyo Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalinta Khamiista ee 15ka bishan May 2025.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa goor dhow sheegay in uu diyaar u yahay in uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kula kulmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalinta Khamiista si ay wadahadal uga yeeshaan joojinta dagaalka.
Aqbalaadan ayaa ayaa timid kadib markii Donald Trump uu ka dalbaday Madaxweynaha Ukraine inuu ogolaado baaqa Putin ee ah inay ku kulmaan magaalada Istanbul.
“Ma jirto wax macno ah oo lagu sii wado dilka xitaa hal maalin. Waxaan filaynaa in Ruushka uu xaqiijiyo xabbad-joojin buuxda, waarta, oo la isku halleyn karo – laga bilaabo berri, 12 May, Ukraine-na waxay diyaar u tahay inay kulmaan.”ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa qoray.
Quwadaha reer galbeedka ayaa ku baaqay in la hakiyo 30 maalmood oo laga bilaabo maalinta Isniinta ah ka dib markii hogaamiyayaasha Yurub ee hogaaminaya waxa loogu yeero isbahaysiga rajada ay ku kulmeen Kyiv Sabtidii.
Khudbad uu habeen hore jeediyay Putin wuxuu ku casuumay Ukraine inay ka qaybgasho wadahadal ku saabsan soo afjarida colaada u dhexeeysa.
Ciidamada Ruushka ayaa duulaan ballaaran waxa ay ku qaadeen Ukraine 2022-ka.
Putin waxa uu sheegay in aanu meesha ka saari karin suurtagalnimada in wadahadaladu ay ka dhalan karaan in Ruushka iyo Ukraine ay ku heshiiyaan xabad joojin cusub, balse si toos ah ugama hadlin baaqyada xabbad joojinta ee 30-ka maalmood ah.
Moscow ayaa horay u sheegtay in ka hor inta uusan Ruushku ka fiirsan xabbad joojin, ay tahay in reer Galbeedku marka hore joojiyaan kaalmada milatari ee ay siiyaan Ukraine.
Ruushka iyo Ukraine ayaa wada xaajood toos ah ku yeeshay bishii Maarso 2022, magaalada Istanbul, wax yar ka dib markii Moscow ay bilowday duullaankeeda.
Sabtidii, madaxweynaha Ukraine ayaa magaalada Kyiv kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer, Faransiiska Emmanuel Macron, Jarmalka Friedrich Merz iyo Poland Donald Tusk, kuwaas oo markii dambe u yeeray Trump si ay ugala hadlaan qorshahooda.
Sir Keir ayaa markii dambe sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu si cad u sheegay in soo jeedintooda ku aaddan xabbad-joojin degdeg ah ay tahay dalab ay tahay in la fuliyo.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Faransiiska in isbedel taariikhi ah laga gaaray dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine, Ankarana ay diyaar u tahay inay martigeliso wadahadallo dhexmara labada dhinac ee dagaallamaya, sida uu sheegay xafiiskiisa.
Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayay inuu xiriir wanaagsan la yeesho labada dal ee deriska la ah Badda Madow tan iyo 2022-kii duulaankii Ruushka ee Ukraine, waxaana uu labo jeer martigeliyay wadahadalo lagu soo afjarayo dagaalka.