Trump oo ku dhawaaqay Canshuur lagu soo rogayo Aflaamta la soo geliyo Maraykanka

May 05(Jowhar) -Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu saarayo canshuur boqolkiiba boqol ah aflaamta lagu sameeyo meel ka baxsan dalka Maraykanka.

Trump ayaa ku amray Wasaarada Ganacsiga dowladiisa inay bilowdo nidaam lagu canshuurayo filmaanta,maadaama ay dhimanayaan aflaamta lagu sameeyo gudaha dalka Maraykanka.

Filim-sameeyayaasha ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa ay ka tagayeen Hollywood-ka iyagoo aaday meelo ay ka mid yihiin UK iyo Canada si ay kharashaadka u yareeyaan.

Mid ka mid ah ururrada aan Maraykanka ahayn ayaa sheegay in qorshaha tacriifada uu noqon doono dharbaaxo ku ah warshadaha caalamiga ah.

Trump wuxuu ku yiri madasha uu leeyahay ee Truth; “Waxaan rabnaa filimaan lagu sameeyo AMERICA, MAR LABAAD!”

Xoghayaha ganacsiga ee Mareykanka Howard Lutnick ayaa ka jawaabay ku dhawaaqista, isagoo yiri “Waan ku jirnaa howsha”.

Hadalka Trump ma cadeyn hadii canshuuraha la saarayo shirkadaha Mareykanka ee dibadda wax ku sameeya.

Filimo badan oo shirkadahaas leeyihiin ayaa meelo ka baxsan Mareykanka lagu sameeyay. Waxaan sidoo kale cadeyn in la canshuurayo kuwa filimadooda internetka laga daawadao sida Netflix.

Tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, Trump wuxuu ku soo rogay canshuuro wadamada caalamka.

Waxa uu ku dooday in tariifooyinka, oo ah canshuuraha laga qaado badeecooyinka laga soo gato wadamada kale ay kor u qaadi doonto wax soo saarka Mareykanka iyo ilaalinta shaqooyinka.

Laakiin dhaqaalaha adduunka ayaa haatan ku jira meel halis ah, waxaana la filayaa in qiimaha badeecadaha adduunka uu sare u kaco.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More