Gudoomiye Aadan Madoobe oo dalka dib ugu soo laabtay

May 06(Jowhar)Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa xildhibaanada warbixin kasiiyay safarkiisii iyo waxyaabaha uu kala soo hadlay gudoomiyayaasha baarlamaanafa jaamacadda carabta ee uu kulamada lasoo yeeshay.

Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu maalinimada beri ah uu gudoomiyo kulanka xildhibaanada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More