Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lasoo gaba-gabeeyay?

May 08 (Jowhar) Nuxurka war-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay la shaaciyay ayaa wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay xubin ka mid ah Dowlad-Goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay soo dhameystirto geedi-socodka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo

Sidoo kale, waxaa la xusay in xal waafaqsan dastuurka laga gaaro xaaladda Jubbaland, taasoo muujinaysa in khilaafaadka jira la doonayo in si sharci ah loo wajaho, tiiyo sharcigaas aanu caddeyn, una muuqato in dowladdu damacsan tahay jid ka duwan dib u doorashadii Axmed Madoobe oo ay horay u qaadacday.

Labadan arrimood ayaa ah kuwa ugu cusub, halka inta kale ee war-murtiyeedka ah ay yihiin qodobo hore looga hadli jiray shirarkii NCC.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More