Israa’iil oo sheegtay inay dishay taliye sare oo Iiraani ah
Jun 21 (Jowhar)-Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay in ciidamada IDF ay weerar ay ku qaadeen dhisme ku yaalla magaalada Qom ku dileen taliye sare oo Iiraani ah, sida ay tebiyeen warbaahinta gudaha iyo wakaaladda wararka ee Reuters.
Saeed Izadi ayaa mas’uul ka ahaa maalgelinta iyo hubeynta Xamaas markii uu socday weerarkii October 7 ee lagu qaaday Israa’iil, sida uu sheeggay Katz.
“Guul weyn ayaa usoo hoyatay sirdoonka Israa”il iyo Ciidamada Cirka,” ayuu Katz ku yiri war uu soos aaray.
Izadi ayaa xubin ka ahaa ciidamada awoodda badan ee Iiraan ee Quds, oo ah garab ka mid ah Ciidamada Ilaalada Kacaanla Islaamiga ah (IRGC) kuwaasoo mas’uul ka ah howlaha dibadda.
IRGC weli ma aysan xaqiijin geerida Izadi.
Wararka la xiriira weerarka ayaa si weyn u hadal hayay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, iyadoo falcelinno kala duwan laga bixiyay. Dowladda Iiraan wali kama aysan jawaabin si rasmi ah, hase yeeshee afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa sheegay in “fal kasta oo lagu beegsado saraakiisha Iiraan uu keeni doono jawaab adag”.
Dhanka kale, dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in weerarkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xakameynayo saameynta Iran ee gobolka iyo taageerada ay siiso kooxaha hubeysan sida Xamaas iyo Xisbullah.
Magaalada Qom oo weerarku ka dhacay ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu muhimka badan ee Iiraan, waxaana ku yaalla xarumo diimeed iyo kuwo milatari. Khubarada amniga ayaa sheegaya in weerarkan uu muujinayo awoodda sirdoonka Israa’iil ee ku aaddan gaarsiinta weerarro qorsheysan gudaha Iiraan.
Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegaya in tallaabadan ay sare u qaadi karto xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo in ay keento is-casilaado ama weerarro kale oo aargudasho ah.
Weli lama oga sida ay Iiraan uga falcelin doonto dhacdadan, balse la-taliye sare oo ka tirsan maamulka Kacaanka Islaamiga ah ayaa sheegay in “dhiigga Saeed Izadi uusan si bilaash ah u daadan doonin”.