Axmed Madoobe oo ka dagay Garoowe iyo kulamo uu la leeyahay Deni

Jun 22 (Jowhar)-Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Golihiisa wasiirada iyo xildhibaano ayaa garoonka kusoo dhaweeyay wafdigan kasoo duulay magaalada Kismaayo, waxaana intaasi kadib loo galbiyay halka koo diyaariyay madaxdan.

Durba waxaa bilowday kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guud, iyadoo la gorfeynayo xalinta tabashada labadab amdaxweyne iyo sidii dhan looga noqon lahaa danaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

si kastaba, Safarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay oo uu Puntland ku tago tan iyo 2022, kaddib doorashadii Soomaaliya. Khilaaf ka dhashay doorashadii Federaalka ayaa kala kaxeysay hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulamo ka dhacay dhawaan Nairobi oo dhexmaray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa meesha looga saaray khilaafkii labada dhinac.

Socdaalka Axmed Madoobe ee Garoowe ayaa ku salaysan sidii loo ambaqaadi lahaa mucaaradid ka dhan ah xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh oo labada hoggaamiye ee Puntland iyo Jubaland si wayn uga soo horjeedaan.

Siciid Deni ayaa isna qorshaynaya inuu safar ku tago Kismaayo si uu uga qaybgalo caleeemasaarka Axmed Madoobe oo dhawaan halkaas ka qabsoomaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More