Mustaf Dhuxulow oo kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta dalalka Norway iyo Finland

May 08 (Jowhar)-Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalooyinka Oslo iyo Helsinki ee dalalka Norway iyo Finland, halkaas oo ay kulammo muhiim ah kula yeesheen mas’uuliyiinta hay’adaha labada dal ee u xilsaaran socdaalka, Amniga Xuduuddaha iyo Jinsiyadda.

Kulamada ayaa xoogga lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin:

1. Xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda.
2. Dardargelinta aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo fududeynta socdaalka sharciga ah.
3. Sugidda amniga xuduudaha iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyadda casriga ah.
4. Casriyeynta adeegyada HSJ sida dal-ku-galka, deganaanshaha, baasaboorrada iyo xaqiijinta aqoonsiga.
5. Ka hortagga dambiyada abaabulan iyo tahriibka.
6. Horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha HSJ.
7. Dhismaha akadeemiyad tababar iyo dejinta manhaj rasmi ah.
Kulamadan miro-dhalka ah ayaa lagu wiiqi doonaa caqabadaha jira, iyadoo la horumarinayo sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed iyo fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caalamka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More