Pakistan oo soo riday 3 diyaaradood oo ciidanka Cirka Hindiya ay leeyihiin

May 07 (Jowhar) Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay soo rideen 3 diyaaradood oo Rafale ah ee Faransiisku soo saaro, 1 Su-30, 1 Mig-29 oo Ruushku soo saaro kuwaas oo ay leeyihiin ciidamada cirka Hindiya, iyo hal diyaaradood oo aan duuliye lahayn (UCAV). Marka laga soo tago fadeexada gaartay ciidanka Cirka Hindiya waxaa banaanka u soo baxday  awooda warshadaha tiknoolajiyadda Shiinaha.

Pakistan ayaa si buuxda ugu tiirsan tiknoajiyada warahadaha hubka ee Shiinaha, tan ayaana ka dhigan in Pakistan ay Hindiya uga sara martay dhanka dagaalka elektaroonigga ah.

Hindiya waa dalka kaliya ee caalamka si siman u haysta qalabka milatariga Faransiiska, Maraykanka iyo Raasha waxaana diyaaradahooda dhulka la soo dhigay iyagoo wali ku jira hawada Hindiya. Waa wax cajiib ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More