Wararkii u danbeeyay dagaalka ka dhex qarxay Hindiya iyo Pakistan

May 07(Jowhar) Delhi waxa ay sheegtay aroornimadii Saaka oo Arbaca ah in sagaal goobood oo kala duwan lagu beegsaday labada qaybood oo kala ah Pakistan iyo qaybta ay Islamabad maamusho ee Kashmir.

Waxa ay sheegtay in goobahan ay yihiin “kaabayaasha argagixisada” – meelaha weerarrada laga soo “qorsheeyo ee la hago”, waa sida ay Hindiya tiri.

Sida laga soo xigtay Pakistan, saddex goobood oo kala duwan ayaa lagu garaacay duqaymaha oo ay ka mid yihiin Muzaffarabad iyo Kotli oo ka tirsan Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho, iyo Bahawalpur oo ka tirsan gobolka Punjab ee dalka Pakistan.

Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa warbaahinta u sheegay in duqeymahaasi ay ku dhaceen goobo ay dad rayid ah ku nool yihiin, isaga oo intaa ku daray in sheegashada Hindiya ee ah inay “bartilmaameed ka dhiganeyso xeryaha argagixisada” ay tahay been abuur.

Pakistan ayaa sheegatay inay soo ridday shan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay Hindiya leedahay.

“Ilaa iyo haatan, waxaan kuu xaqiijin karaa in shan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Hindiya leedahay – ayna ku jiraan saddex nooca Rafale, hal SU-30 iyo hal MiG-29 – iyo hal Heron ah lasoo riday,” afhayeenka militariga Pakistan janaraal Axmed Sharif Chaudhary ayaa sidaa ku yiri muuqaal uu la wadaagay Reuters.

Hindiya ayaan weli ka jawaabin sheegashadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More