Wararkii u danbeeyay shirka Laascaanood oo galay maalinkii labaad

Jul 14 (Jowhar) Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa ka socda shirweynaha dhammaystirka maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo ay ka qayb galayaan ergooyin kala duwan, madaxda maamulkaas, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federalka iyo qaar ka mida Isimida dhaqanka ee deegaanadaasi.

Iyadoo shirku galay maalintiisii labaad,haddana waxaa muuqda kala aragti duwaansho ku saabsan hannaanka shirka oo ay muujiyeen qaar ka mida Isimada dhaqanka ee deegaanadaas iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo qaarkood ay murashaxiin u yihiin xilka madaxweynimo ee SSC-Khaatumo.

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan , oo ka mida isimada dhaqanka gobollada SSC-Khaatumo ayaa saluug ka muujiyey hannaanka shirka.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in uusan diidanayn shirka, laakiinse uu diidan yahay wax aan la isla ogayn oo aan dhamaystirnayn.

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo shirka ka hadlay oo si gaara uga hadlay gobolka Sanaag ayaa xusay in dhankooda wadahadallada ay ka dabcinayaan ayna dhici doonin in wadahadaladu adkaadaan oo wax la kala jiito.

“Waxaa naga diyaara inaan walaalahayo warqad oo saxiixan u dhiibno oo wixii dana moodaan iyagu u ku qoraan maanta oo la isku yimidna warqadii cadayd waa naga diyaar, danta maanta u fadhino idinkaa idinka dambaynayaa idinkaan kalsooni buuxda idinku qabnaa qorshahayagu waaa intaas”ayuu yiri Firdhiye.

Wuxuu intaa raaciyey in hadda loo gudbay dhamaystir, midnimo iyo wax wada qabsi. Ergooyinka ayuu xusay in qeybintooda ay u taallo hoggaanka dhaqanka.

Isagoo ka hadlayey doorashooyinka ku soo food leh maamulka SSC-Khaatumo ayuu hoggaamiye Firdhiye xusay in 5 agoosto ee sanadkan ay dhici doonta doorashada madaxda mamaulkaaasi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More