Cali Guudlaawe oo furay Kalfadhiga 17aad ee Baarlamaanka Hirshabelle

May 05(Jowhar) -Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.
Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ka jeediyay khudbaddii dastuuriga ahayd ee furitaanka kalfadhigga isagoo ugaga hadlay arrimo kala gedisan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen intii uu socday kalfadhigii 16-aad. Sidoo kale wuxuu ku amaanay dadaalkooda joogtada ah ee dhanka sharci dejinta iyo matalaadda shacabka.

“Siyaasad xasiloon ayaad ku shaqeyseen, Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabeelle waxay kaalin weyn ka qaateen howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay masuuliyiinta maamulka caasimadda Jowhar, odayaasha dhaqanka iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, kuwaasoo dhamaantood soo dhaweeyay furitaanka kalfadhiga 17-aad ee baarlamanka.

Gabagabadii, Madaxweynaha ayaa Rabbi uga baryey inuu ku asturo waajibaadka shaqo ee ku hor-gudban xildhibaanada Dowladda Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More