Wasiir Fiqi oo la kulmay Wafdi ka socday dowlada Ingiriiska

May 08 (Jowhar) -Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Afrika iyo Americas.

Kulanka labada dhinac oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Danjiraha Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo saraakiil kale,waxaa diiradda lagu saaray hawlgallada socda ee ka dhanka ah khawaarijta, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo qorshaha kala-guurka.

Kulankaasi dhexmaray wasirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo wafdiga ay hoggaamineysay madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America waxaa kaloo looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada iyo doorka xukuumadda Ingiriisku ka qaadato taageerada Soomaaliya ee xagga amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Fiqi ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay kaalinta firfircoon iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowliga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More