Mareykanka oo duqeeyay xarumaha Nukliyerka Iran iyo saameynta ka dhalatay

Jun 22 (Jowhar)-Hay’adda Atoomikada ee dalka Iran ayaa kudhawaaqday in la weeraray sadex xarumood oo hubka Nuclear-ka Iran lagu bacriminayay, kuwaas oo ku yaalla Fordow, Natanz, iyo Isfahan, si xun in loo weeraray ayay sheegeen, in ay gardarro tahay ayay cadeeyeen, oo ay Mareykanku jabiyeen sharciga caalamiga ah, gaar ahaan heshiiska ka hortagga faafinta hubka nukliyeerka (NPT).

Sida ay sheegayaan xogaha hordhac ah ee la helay 30 gantaal oo noocoodu uu yahay GBU-57 bam ayaa lagu garaacay xarunta nukliyeerka ee Fordow, halkii gantaal waa 14 Tan, taas oo macno ahaan ka dhigan in 420 tan oo walxaha qarxa ah ayaa lagu tuuray xarunta Fordow.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in xarumaha Nukliyeerka ee Fordow, Natanz iyo Isfahan laga saaray hubkii la bacmariyey ka hor duqeymaha Mareykanka ee caawa.

Warbaahinta ku dhaw Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in hadda la sugayo jawaab cad oo ay Tehran ku qaadayso saldhigyada Mareykanka ee gobalka.

Washington Post ayaa sheegaysa in ciidamada ammaanka Ciraaq la soo dhoobay agagaarka dhismaha safaaradda Mareykanka ee Baqdaad si ay isu diyaariyaan kahortaga weeraro aargoosi ah oo ay fuliyaan kooxaha taabacsan Iran.

Madaxweynaha Mareykanka oo hadlaya ayaa sheegay in ay Guul weyn gaareen Mareykanka & saaxiibadiisa gobalka barriga dhexe, gaar ahaana ISR|L oo ay u tahay maalin weyn oo dunida khatar weyn laga dajiyey.

Ciidanka Mareykanka ayuu sheegay in ay fuliyeen shaqo aan cid kale qaban karin, oo ay toos u burburiyeen sadexdii xarumood ee hubka Nuclear, oo lagu qabtay shaqo deg deg ah iyo waqti yar, ma jiro ayuu yiri ciidanka oo dunida ah oo shaqadaas qaban karra.

Maraakiibta Aduunka ee maraysa Gacanka Hormuz-ka ayaa u muuqda in ay kala cararayaan, ka dib weerarkii Mareykanka oo ay hadda kasoo wareegtay in ka badan 2 saacadood, wax talaabo ahna ma qaadan IRAN.

50 Markab oo nooca xamuulka ah ayaa gacanka kabaxaya hadda, taas oo cabsi laga qabo in ay kor u qaado qiimaha Shidaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More